1 min read

Guddiga doorashada Somaliland oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada.

War saxafadeed ay soo saareen Kominshanka Doorashada Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa u cayimay in 28 December, 2023 ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada xisbiyada. Si loo helo Saddex Xisbi oo ansaxsan lana siiyey shahaadada xisbinimo ee (10) ka sano, ayaa lagu yiri qoraal uu guddigu soo saaray.

Waxaa kale oo Komiishanka Doorashooyinku ay go’aamiyeen In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha.