1 min read

Dad loo haysto dambiyo argagixiso oo la horkeenay maxkamadda ciidamada qaybteeda 60-aad

Baydhabo:-  Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwad loo haysto 14-ruux oo ku eedaysan dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, u garsoor doonashada kooxda iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin falal argagixiso.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka qaybteeda 60-aad gaashaanle Maxamuud Maxamed Iidow ayaa maxkmadda ka hor aqriyey dambiyada loo haysto eedaysanayaasha, isagoo codsaday in la marsiiyo sharciga Islaamka, si loogu ciqaabo damniyada ay gaysteen oo qaar ka mid ah ay qirteen.

Eedaysanayaasha oo 3-ka mid ah ay ciidan ahaayeen ayaa iyagana maxkamadda la horkeenay eedo loo haysto oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta iyo dayacaadda hubkii lagu aaminay ee ay Qaranka ugu shaqaynayeen.

Gaashaanle sare Aaden Abuukar Maxamed guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ayaa soo xiray fadhiga dhagaysiga dacwadda, isagoo xusay in maxkamaddu dhawaan soo saari doonto go’aanka xukunka eedaysanayaasha 14-ta ah ee dambiyada kala duwan ku eedaysan.