1 min read

Rag ka soo tagay Tanzania oo la sheegay inay ku biiri rabeen Al-Shabaab oo lagu qabtay xadka Kenya.

Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ku biiraan kooxda Al-Shabaab.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah.

Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania.

Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka.

Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha ammaanka iyo bulshada.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeennada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.