1 min read

Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyey goobo khawaarijtu ku kaydsan jireen sunta qaraxyada iyo saanad ciidan.

Muqdisho:-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku kaydsan jireen khawaaeijtu sunta iyo alaadaha kale ee ay khawaarijta ka sameeyan walxaha qarxa iyo goob kale oo ku kaydsadaan hubka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid gobollada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana dhawaan lagu wadaa in uu bilowda wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.