1 min read

Ciyaaryahan Declan Rice oo si rasmi ah ugu biiray Arsenal, noqdayna Ingiriiskii ugu qaalisanaa.

Declan Rice ayaa noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee Ingiriis ah Sabtidii, markii Arsenal ay ku lasoo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England 105 milyan ginni ($ 137.5 milyan).

Rice ayaa dhaaftay lacagtii ugu badneyd ee ahayd ee 100 milyan ginni ee ay Manchester City ku soo iibsatay Jack Grealish 2021, iyadoo Arsenal ay sii wadato maalgelinteeda si ay ugu tartanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

24-sano jirkaan ayaa warqad uu u diray taageerayaasha West Ham ku sheegay in rabitaankiisa ah inuu ka ciyaaro heerka ugu sareeya ay ka dambeysay go’aankiisa ku biirista Arsenal.

Rice ayaa kalsooni ku qabta in mustaqbalka kooxda da’da yar ee Arsenal uu ifaiyo. Xiddigaha Arsenal ee soo baxayaa waxaa ka mid ah Bukayo Saka, William Saliba iyo Gabriel Martinelli.

Wuxuu dhawaan ku hogaamiyay West Ham inay ku guuleysato koobka Europa League iyo kaalinta 14-aad ee horyaalka.

Rice waxa uu ku biiray akadeemiyadda West Ham markii uu kasoo dhaqaaqay Chelsea isagoo dhalinyaro ah, waxaana uu u ahaa tiir-dhexaad tan iyo ololihiisii 2017-18.

Arsenal ayaa ku soo laaban doonta koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2016-17.

AFP, Reuters.