1 min read

Sheekh Shariif oo guddoomiye kulan wadatashi ah oo ay iskugu yimaadeen madaxdii hore ee dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay shir-guddoomiyay ‘kulan wadatashi’a ahaa oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid madaxdii hore ee Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inay kaga hadleen shirka saaka ka furmay Muqdisho.

“Waxaa caawa (xalay) isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito (maanta) ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Dowladda Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo gogosha fidiyey. Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah.” ayuu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku yiri farriin kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray madaxdii dalka soo martay sida madaxweynayaasha, guddoomiyaashii baarlamanka iyo ra’iisul wasaarayaashii hore, waxaana shirka ayaa socon doona muddo laba cisho waxa uuna furmi doonaa Arbada maanta ah.

Wixii kusoo kordhan halkan ayaad kala socon doontaan.