1 min read

Doonni sidday muhaajiriin oo ku degtay badda Mediterranean-ka.

Ugu yaran 10 muhaajiriin ah ayaa lagu la’yahay halka la xaqiijiyey dhimashada hal qof ka dib markii ay doon sidday tahriibayaal ku degtay badda Mediterranean-ka, halkaas oo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan dalalka koonfurta Yurub sida Giriigga iyo Talyaaniga.

Tunisia ayaa wajahaysa mowjado muhaajiriin ah oo xeebaheeda u isticmaalaya si ay igasii gudbaan dalalka Yurub iyaga oo raadsanaya nonlol ka wanaagsan ta ka jirta dalalka ay ka bxasanayaan oo badanaa ay dagaallo asqeeyeen.

Masiibadii ugu dambeysay ayaa tirada dadka ku dhintay iyo kuwa lagu la’yahay xeebaha dalka Waqooyiga Afrika ka dhigaya in ka badan 600 oo qof qeybtii hore ee sanadkan 2023, taasoo aad uga badan tiradii sannadkii hore isla xilligan oo kale, sida lagu sheegay tirokoob ay soo aruurisay wakaalada wararka ee Reuters.