2 mins read

Dowladda oo ciribtireysa cudurka ugu xun ee curyaamiya dhismaha Dowladnimada (Warbixin).

Masuq-maasuqu waa aafo dilootay Dowladnimada iyo cudurka ugu xun ee dumiya qaab-dhismeedkeeda hay’adeed, falcelin xun oo kan sameeeyaa u haysto tallaabo u hiilineysa horumarkiisa noloeed,balse ah go’aan mugdi gelinaya mustaqblkiisa adduun iyo Aakhiro.

Soomaaliya oo dhaqankan tuuganimada ah dhibaato ku hayay muddo dheer ayaa qaadeysa tallaabooyin ka dhan ah kuwa caadeystay xatooyada xoolaha dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshiisa la dagaallanka masuq-maasuqa.,isagoo faray hay’adaha caddaalada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka in ay awooddooda dul dhigaan ciribtirka musuqa iyo ceebeynta cid walba oo ku lug yeelata boobka hantida ummadda.

” Dowladda Soomaaliya ma ogolaaneyso in waxa yarka ah ee gabadha jidka Shaaha ku iibisa ee rubaca sokorta ah ay soo gadatay canshuurta laga qaaday in nin inta jeebka ku shubto baxsado, subax, subaxyada ka mid ah gurigaada ha ugu soo lebesanin ninkaas tuugga ah inaad difaacdid, maxaa loo xiraa, maxaa loo hasytaa,maxaa loo ceebeynaa?, waa la ceebeynaa, waa la karaama tiraa, waxa uu mudan yahay karaaamo, sharaf iyo haybad malahan,ninka Alle ka cabsan waayana sharaf ma leh, nooma kala sokeeyaan dadka Soomaaliyeed ogaada ninka Shabaabka ah ee na qarxinayaa iyo ninka tuugga ah ee canshuurta xadaayo,isku si ayaa ula macaamileynaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo iyo fulinta amarka madaxweynaha ee ku aaddan qaadista dagaal dhab ah oo ka dhan ah masuq-maasuqa ayaa bannaanka soo dhigay kiisas la xiriira masuqa oo lagu eedeeyay mas’uuliyiin Dowladeed iyo howl-wadeenada qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadaha awoodda u leh.

Shaqsiyaad badan oo loo haysto kiisas la xiriira masuq-maasuq ayaa ka soo muuqday fagaaraha caddaalada, waxaa sidoo kale, kala shaandheyn iyo baaris dheer ku socotaa qaar ka mid ah mas’uuliyiin iyo hay’ado Dowladeed, kuwaas oo lagu tuhmayo kiisas la xiriira masuq-maasuq .

Tallaabooyinka ka dhanka ah la dagaallanka masuq-maasuqa ay qaadday Dowladda oo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada si weyn u soo dhoweeyeen wuxuu dhabaha u xaarayaa in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho dhaqaale si aan uga maaranno kaalmooyinka caalamiga ah ee hadda ay ku tiirsan tahay Dowladda.