1 min read

Al-Shabaab oo weeraray saldhig ay dhowaan wareejiyeen ATMIS

Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley oo ka mid ahaa saldhigyadii toddobaadkii hore ay wareejiyeen ciidamada Kenya ee ATMIS.

Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe Talaadada, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen VOA.

Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarka.