1 min read

Mid ka mid ah Masaajidada ugu weyn dalka Soomaaliya oo laga hirgeliyay Magaalada Warshiikh+Sawirro

Xarun diimeedka degmada Warshiikh ee G/Sh/Dhexe ayaa 3/7/2023 oo waafaqsan 15//12/1444 ee Hijriyadda Islaamka, waxaa laga furey Masjidka ugu weyn Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Masjidkaas oo loogu wanqalay Caalimkii weynaa ee degmada Warshiikh Shiikh C/raxmaan Bin Shiikh Cumar, Al-Celiyi ayaa munaasabaddii daahfurkiisa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Safiirro, aqoonyahanno, qurbajoog, culumaa’udiin waaweyn, ganacsato, odoyaal dhaqan, iyo marti sharaf aad u badan oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Taabagalinta masjidkaas ayaa degmada Warshiikh waxa uu uga dhigan yahay guul taariikh ah oo u soo hoyatay degmadaas oo caan ku ah barashada iyo fidinta Diinta islaamka.

Dhanka kale Masjidkaas waxaa lagu magacaabaa masjidul Jaamicul Hudaa   waxaana furitaankiisa ka soo qaybgalay marti sharaf fara badan oo ka kala socday Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Culumaau’diinka, ganacsatada iyo Ururada Bulshada Rayidka, iyadoo masjidkaan dhismihiisa ay qaadatay muddo 7-Bil ah.