1 min read

Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay dhigayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 7-aad iyo 9-aad, guutada 18-aad ee kumaandooska Gor Gor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxa ay ku fashiliyeen qaraxyo ay dhigayeen khawaarijtu, si ay u wax yeelleeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor dhamme, Mahad Iimaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay khawaarijta ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.