1 min read

Howlgalo ciidamada Gorgor ka sameeyeen deegaano ka mid ah G/Galgaduud.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal Qorsheysan waxa ay ka sameeyeen Degaano Hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka galgaduud.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ururada 7aad iyo 9aad ee guutada 18 Aad ee Kumaandooska gorgor, waxaana ay ka sameeyeen degaanada kala ah  Ceel Xaaji iyo Ceel dhiigtaar oo hoostaga Degmada Galcad, halkaas oo billo ka hor laga saaray Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 7 aad ee Kumaanooska Gorgor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan oo ka dhanka ahaa Al-Shabaab, sidoo kalena amniga lagu xaqiijinayay.

Dhamme Mahad Iimaan waxa uu sheegay in howlgalka lagu soo saaray Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka si ay ugu dhibaateeyaan, wuxuun sheegay inay howlgallada sii socon doonaan.

Degaannada howlgallada ay Ciidamada Kumaandoosta Gorgor ka sameeyeen ayaa waxaa ay ahaayeen degaano ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee Gobolkaasi Galgaduud.

Howlgalkan Ciidamada Kumaandooska Gorgor ka sameeyeen degaannada katirsan gobolka Galgaduud ayaa kusoo aadaya xilli uu booqday Taliyaha Cusub ee Ciidamada xoogga dalka, isla markaana uu saraakiisha Ciidamada ku amray inay dardar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.