1 min read

Cumar C/rashiid iyo Cabduweli Gaas oo dadaalo nabadeed ka wada Garoowe.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kulan Magaalada Garoowe kula qaatay mudanayaal ka kala tirsan labada golle ee Baarlamaanka Faddaraalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sarre Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Kulankaan ayaa wafdigu kaga dhagaysteen waxbixin mudanayaasha labade golle, taas oo ku aadan  xaaladda Puntland iyo kulamadii hore ee ay lasoo yeesheen Isimadda Nugaal, Guddoonka Barlamaanka, Urrurada Bylshada Rayidka ee PUNSA iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo amniga iyo wadda jirka Puntland, sidoo kalana laga shaqeeyo Puntland jihadda nabadda iyo horumarka u socota.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland  Cabdiarshiid Yuusuf Jibriil ayaa hoygiisa Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo kamid ah isimmada waaweyn ee degaanada Puntland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed iyo Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig Warsame, waxaana looga hadlay xal ka gaarista dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe.

Kulamada looga hadlayo xalinta dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa sii socon doona, iyada oo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Somaaliya ee Cumar Cabdirashiid iyo Cabduweli Gaas la filayo inay la kulmaan Siyaasiyiinta mucaaradka.