1 min read

Cesc Fabregas “Waa murugo weyn in la gaaray waqtigii aan joojin lahaa ciyaaraha,”

36-sano jirkaan ayaa ku raaxaysanayay waayihiisa ciyaareed oo uu kula guuleystay Spain Koobka Adduunka, Premier League labo jeer oo uu la qaaday Chelsea iyo La Liga oo uu la qaaday Barcelona.

“Waa murugo weyn in la gaaray waqtigii aan joojin lahaa ciyaaraha,” Fabregas ayaa soo dhigay Instagram-ka.

Waxa uu xirfadiisa ku dhameyayaa hal sano oo uu heshiis laba sano ah kula jiro kooxda reer Talyaani ee Como ee ka ciyaarta Serie B.

Fabregas ayaa sheegay in uu hadda garoonka u gali doono si uu u tababaro kaydka Como iyo kooxaha da’yarta.

“ma ahan murugo, si kastaba ha ahaatee, waxa aan hadda ka gudbi doonaa safka ciyaaraha anigoo bilaabi doona in aan tababaro kooxaha B iyo Primavera ee Como 1907,” ayuu raaciyay.

“Kooxdan kubbadda cagta ayaa qalbigeyga soo jiidatay daqiiqaddii ugu horreysay waxayna ii timid waqti fiican oo xirfadeyda ah”.

“Marka ka dib 20 sano oo qaas ah oo naf hurnimo oo madadaalo leh, waa waqtigii aan dhihi lahaa mahadsanid iyo macsalaamo ciyaaraha waaweyn.

“Waan jeclaa daqiiqad kasta.” ayuu sii raaciyay