1 min read

Xoghayihii Degmada Ruun-nirgood oo qarax miino lagu dilay.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Qarax Miino  oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Degaanka Daaeunicmaa ee gobolka shabeelada Dhexe.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay sida la sheegay  Gaari uu watay  Abuukar Jawiil Caddoow oo la yaqaanay  (Abuukar  Miineey) oo ahaa Xoghayaha Degmada Runirgood ee gobolka shabeelada Dhexe oo ku dhintay Qaraxa halka Darawilkii ka ka xeeynayay Gaariga uu la socday uu isagana halkaas ku geeriyooday.

Alshabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa maaanta ka dhacay degaanka Daaru nicma ee gobolka shabeelada Dhexe iyado shaaciyay in ay ku dileen Abuukar Jawiil Caddoow (Abuukar Miineey )oo ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ruunirgood ee gobolka shabeelada Dhexe Islamarkaana ka mid ahaa Aasaasayaasha Macawiisleeyda Degmada Runirgood .