1 min read

Madaxweynaha dalka oo Ubax dhigay Daljirka Daahsoon+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasbadda Xornimmada iyo Midnimada 1-da Luulyo awgeed waxaa uu ubax dhigay taallada Daljirka Daahsoon ee Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda ubax dhigga waxaa Goob joog ahaa kummanaan shacabka Soomaaliyeed ah iyo mas’uuliyiinta kala Duwan ee haya’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gebqgabada xuska 63 guuurada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa galabta loogu ballansan yahay madal kale, iyada oo Mogadishu Stadium lagu qabanayo isu soo bax uu shacabka Soomaaliyeed kula hadli doono Madaxweynaha Jamhhuriyadda Mudane Dr. Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale isla garoonka ay ciyaar ku dhex mari doontaa labada kooxood ee kubadda cagta ee kala ah Horseed SC iyo MCC.