1 min read

Kowda Luulyo: Dal Yurub ku yaalla oo raalligelin ka bixiyay doorkii uu ku lahaa addoonsiga.

Boqorka Nederland ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixiyay doorka dalkiisa ee ka ganacsiga addoonta, isagoo sheegay inuu dareemayo “qof ahaan iyo dal ahaanba ” inay saamaysay.

Wadanku waxa uu noqday meel gumaysi wixii ka dambeeyay Qarnigii 17-aad, isaga oo haysta dhulal badan oo caalamka ah, ganacsatada addoonta ah ee Nederland waxa ay ka ganacsanayeen in ka badan 600,000 oo qof.

Boqor Willem-Alexander ayaa Sabtidii ku tilmaamay falkan mid “argagax leh”.

Qoyska boqortooyada ma aysan samayn wax ay ku joojiyaan, ayuu yiri.

Waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 160-aad ee ka soo wareegtay markii la cirib-tiray adoonsiga dalkaasi ma cadda ka hor munaasabadda in boqorku uu raalli-gelin ka bixin doono doorka qoyska boqortooyada ee dhaqankan.

Intii lagu guda jiray khudbadiisa Amsterdam, King Willem-Alexander wuxuu qiray in “boqorrada iyo taliyayaasha Aqalka Orange aysan qaadin tillaabooyin ka dhan ah addoonsiga”.

Ictiraaf iyo raaligelin kadib, waxaan ka wada shaqayn karnaa bogsiinta, dib u heshiisiinta iyo soo celinta,” ayuu Boqorku hadalkiisa ku daray.

Khudbadiisa ayaa farxad gelisay dadweynihii isugu soo baxay xafladda Keti Koti ee xuska sannadlaha ah ee dalkaas ee ciribtirka addoonsiga.

Qarnigii 17-aad Nederlaan waxa ay qabsatay dhul baaxad leh oo ku yaalla gobollo ay hadda ka kamid yihiin Indonesia, Koonfur Afrika, Curaçao iyo West Papua, waxana au noqotay koox fure u ah ka ganacsiga addoonsiga ee transatlantic.

Sannadkii hore, Ra’iisul Wasaare Mark Rutte ayaa sidoo kale raaligelin ka bixiyay doorka taariikhiga ah ee waddanku ku leeyahay ganacsiga addoonta, isagoo khudbad ka jeediyay Hague ayaa waxa uu sheegay in ay tahay in loo aqoonsado “ereyada ugu cadcad” ee “dambi ka dhan ah aadanaha”.

Magaalooyin badan oo Nederland ah, oo ay ku jiraan Amsterdam iyo Rotterdam, ayaa soo saaray raali-gelin doorkii ay ku lahaayeen ganacsiga.