1 min read

Qiiqa ka dhashay kaymaha gubanaya ee Canada oo halis caafimaad ku haya 100 milyan oo Maraykan ah.

CHICAGO – Ku dhowaad, 30% shacabka ku nool Maraykanka ayay saamayn ku yeelatay Khamiistii, hawada oo wasakhawday taas oo ay ugu wacan tahay qiiqa ka imanaya kaymaha gubanaya ee dalka Canada. Gobollo badan oo ku yaalla badhtamaha iyo dhinaca bari ee Maraykanka ayaa laga dareemayaa qiiqa oo sidii ceeryaamo oo kale noqday.

Khubarada caafimaadka ee Maraykanka ayaa ka digaya, halis caafimaad oo ka dhalan karta, wasakhawga hawada, taasoo gobollada qaarkood ay keeni karto xaalado caafimaad oo halis ah.

Gobollo badan oo Maraykanka ah, ayaa shacabkooda la wadaagay fariimo ogaysiis ah oo ay uga digayaan, tayada hoosaysa ee hawada, taasoo ay sheegeen inay socon doonto illaa saqda dhexe ee Khamiista.

In ka badan 100 milyan oo qof oo Maraykan ah ayaa lagu booriyey inaanay wakhti badan debedda ku qaadan, isla markaana ay badsadaan joogitaanka, goobaha dedan ama xidhan ee aanay soo geli karayn hawada wasakhaysani. Dadka u baxaya debedda ayaa lagula taliyey inay xidhaan “afsaab” ama Mask.

Canada waxaa gubanaya, dhul aad u ballaadhan oo kaymo ah, kaas oo lagu qiyaasay illaa 8 million oo hecter.

Reuters