1 min read

Nasashada Jimcaha. Q-363 =Labada dambiile ee laga Dafaacayo magacooda Af Somaliga maxaa lagu yiraa?=

1. Quraansho ayaa Malab Heshay, dhinac ayeey ka istaagtay wax yar ayeey ka cuntay, waa ku macaaday Haddana waa u soo noqnoqotay, markii Dambe si fiican ayey u dhax gashay, Laakin waxaa ku dhagay Malabkii oo dib ayeey uga soo noqon weeyday,ilaa ay ku dhax dhimatay. ( F.S: 1aad)

( Aduunyadu waa Sidaa, Haddii Dhadhankeedu kula macaado oo ay kula fogaato Aakhiro ayey ku hilmaansiinee, iska jirhee, yaan macaantu kula tagin)

2. Xildhibaan ayaa Wakhtigii Doorashada u ballan qaaday Dadkii Tuuladiisa in uu u qaban doono Mashaariic fara badan. Afar Sanno kadib ayuu Dib ugu noqday si mar kale loo doorto isaga oo aan wax u qaban. Tuuladdii halkii Musqul ee VIP ayuu gali waayay. Waxaana dartii loo dhisay Musqul cusub, ilaa hadda Muaqushii waxaa loo yaqaan ” Xaar Xildhibaan” (F.S:2&3aad)

( Ballanta Fuli ama….. ..)

3. Hal Bisad oo Hilib Xaday Magaaladda ka raadi, waxaa ay la mid tahay, Guryahaan Magaalada waxaa lagu dhisay Xatooyo Xoolo Dadweyne. Laakin Hal Bisad ayaa lagu eedeeyay Musuq. (F.S:4aad)

( haddii aad indha curdoontahay, ka fiiri Sawirka Halka bisad ee ka muuqato soona xir)

4. Markii ugu horeysay ee ATM la geeyo Gobalada, Hal Gabal ayaa helay Password Cusub oo Lacag loogala bixi karo ATM-ka. ( F.S: 5aad)

( Waa Gobalkee? Anigu wax ma sheegin, Shaxaadkuba waa Tuugsi Reer magaal)

5. Ar Moble-aa Dadkii kalamaan ayuu ka digay yaa diidan in Jimcaha la nasto?. (F.S:6aad)

( yaa gar daran?)

6. Difaaca Qaran, iyo Difaaca Dumarka.(F.S:7aad)

( Labada dambiile ee laga Dafaacayo magacooda Af Somaliga maxaa lagu yiraa? )

Qore: Yahya Amir