1 min read

ku dhowaad 700 oo qof oo loo xir xiray dibedbaxyada Fransiiska.

Ugu yaraan 667 oo qof ayaa lagu xir xiray gudaha dalka Fransiiska, kaddib markii habeenkii sadexaad uu galay dibedbaxyada ka socda dalkaasi, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, GĂ©rald Darmanin.

Wiilka la dilay oo 17 sano jir ahaa ayaa asal ahaan ka soo jeeda waddanka Algeria.

Dibedbaxayasha ayaa ka careysan dil wiil dhalinyaro ah ay u geysteen booliska dalkaasi.

Mudaaharaadyadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan, sida goobo muhiim u ah bulshada oo la burburiyay, iskuulo iyo xarumaha qaar ee dowladda.