1 min read

Muslimiinta Dunida oo maanta u dabaaldagaya Ciidul Adxaa.

Muslimiinta Caalamka ayaa maanta u dabaaldagaya xuska maalinta weyn ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee Islaamka.

Inti awooddo, maanta oo kale muslimiinta ayaa gowraca xoolo kaddibna ku sadaqeysta dadka masaakiinta ah si farxadda loo wada qeybsado.

In ka badan 1.8 milyan oo ruux oo gudanaya xajka sannadkaan ayaa ku ciidaya raxamka barakeysan ee magaalada Makka.

War Talaadadi kasoo baxay Dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xujyedaasi ay ka kala yimaadeen in ka badan 150 waddan oo caalamka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Muslimiinta ee maanta sida weyn looga ciidayo.