1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in laga hortago weerarada Al-Shabaab & musuq maasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-Shabaab iyo musuqmaasuqa, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha Al-Shabaab iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.