1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta oo ciidanka xoogga kula ciiday Janaale.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali ayaa deegaanka Janaale kula ciiday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiir Cabduqaadir oo ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 14ka October la hadlayay ayaa ku booriyay inay dardargeliyaan howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali ayaa xusay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay munaasabadda Ciidul Adxa ula qaadan lahaayeen geesiyaasha Qaranka.