3 mins read

Wiil arday ah oo kumannaan kiilo mitir usoo lugeeyay Xajka.

Cismaan Arshaas, oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dalka Pakistaan, ayaa jaray masaafo dhan 4000 oo km si uu u soo guto waajibaadka xajka.

Waxaa uu lug ku tegey Makkah, isagoo ka amba baxay Pakistaan, wuxuuna sii maray dalalka Iran, Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Safarkaas ma ahayn mid u sahlanaa Arshad, wuxuu wajahay caqabado dhowr ah gaar ahaanna xaga cimilada.

“Qof kasta oo Muslim ah wuxuu ku haminayaa inuu mar un Makkah tago, si uu u soo booqdo kacbada ayuu yiri Cisman.

“Intii aan safarka ahaa, waxaan seexan jiray masjid kasta oo iga soo hor baxa, ama hotel balse inta badan waxaan dhex seexan jiray tendho” ayu intaa raaciyay.

Xajku waa cibaado weyn oo kheyr badan laga helayo haddii uu qofku u guto sida saxda ah. Berri ay xujayda tagay Sacuudiga u safri doonaan Mina si ay u guda galaan gudashada waajibaadka xajka.

Sida uu qorshuhu yahay salaadda subax kaddib waxaa billaabaneysa daabulidda dhammaan xujeyda ka imaanaysa magaalada Makkah ilaa Mina, halkaas oo ay ku qaadan doonaan maalmaha gudashada waajibaadka xajka.

Qaar ka tirsan, booqashadu waxay u noqon kartaa booqashadoodii ugu horreysay, qaar kalena waxaa laga yaabaa inay halkaasi sii joogeen.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago cibaadada ay xujeydu gudan doonaan, waxaa jira waxyaabo kale oo ay tahay inay isku diyaariyaan si ay arrimuhu ugu sahlanaadaan.

Waxaa jira su’aalo badan oo Muslimiinta qaar ay maskaxda ku hayaan sida: sidee buu nidaamka socdaalku noqon doonaa? Maxay tahay inay bixiyaan? Diyaarin noocee ah ayay sameyn doonaan? iyo kuwo kale.

Waa su’aalaha aan jawaabahooda ku eegi doonno qormadan kooban, annagoo weliba xujayda ka siin doonna talooyin kooban oo ku aaddan qaabka loo gudan karo cibaadada qiimaha badan ee xajka.

Diyaarso labbiska

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay tahay in ay sameeyaan dadka xajinaya waxaa ka mid ah  in aysan qaadan shandado waaweyn, sababtoo ah goobaha uu qofku tagayo ma ahan kuwo waqti badan uu joogayo oo si ku meel gaar ah  ayuu qofka u joogayaa dhulka barakaysan.

Waxyaabo yaryar

Ha illaawin in aad qaadato shandadao yaryar oo aad ku qaadato waxyaabaha muhiimka ah , taladaan waxaa loo jeedinayaa rag iyo dumarba.

Ka waran cunto iyo cabitaan?

Uma baahnid in aad suuq aaddo oo aad soo gadato cuntooyin iyo cabitaan, sababtoo ah wax walba goobaha aad tagayso ayaad ka helaysaa, marka taas haka walwalin.

Xusuusnow, haddii aad cuntooyin qaadato waxay kugu noqonayaan culays cibaadada kaa mashquuliya.

Qoysaska waxaa lagula talinayaa in ay qaataan cuntooyin yaryar sida buskudka.

Maalinta Carrafo

Maalinta Carrafo qofku wuxuu joogi doonaa subax ilaa galabtii, sidaas daraaddeed waa inuu iska ilaaliyo alaabo iyo waxyaabo ka mashquulin kara cibaadada. Alaabaha waxaad uga tagan kartaa Mina.

Musdalifa

Halkani waa halka ay dadku u hoyan doonaan marka ay ka tagaan Carrafo, iyagoo halkaa ku tukan doona salaado, isla markaana ku nasan doona.

Waxyaabaha inta aad Musdalifa joogto muhiimka ah waxaa ka mid ah in aad habeennimo ka tagin oo aad salaadda subax ku tukato. Waxaa xusuusin mudan in dadka tabarta yar loo oggol yahay in ay habeennimo tagaan.

Maalinta Dhagax-tuurka

Maalintan waa maalinta  dadka xujeyda ah ay qabanayaan shaqooyinka ugu badan, maaddaama ay tahay maalinta weyn ee xajka. Dadku marka ay ka soo tagayaan Musdalifa ayay soo qaadanayaan dhagxaanta. Dadku waa inay maanka ku hayaan in maalintaan uu jiro ciriiri badan.