1 min read

Cabashooyin laga muujinayo dilal iyo barakac ka dhacay Deegaano ka tirsan Soomaalida Itoobiya.

Qaar kamid ah shacabka ku nool gobollada qaar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka cabanayaa qaabka dowladdu u maareyso xalinta isku dhaca beelaha deegaanada qaar iyo arrimo kale.

Dadka magaalada Wardheer ayaa ka cabanaya in laga barakiciyay deegaanno hoos yimaada maamulkaasi, sida uu BBC-da u sheegay Xasan Daahir oo ka mid ah waxgaradka gobolka Doolo.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in ilaa iyo afar qof oo shacab ay ciidamada dowlad deegaanka soomlida ku dileen agagaarka tuulada Laab ee Degmada Beercaano kaddib muran ka dhashay goob ay dageen dadkaas oo ka soo fogaanayay fatahaadda wabiga Shabeele, waxaana sidaas BCC-da u sheegay Axmed Sheekh Xuseen.

Isla gobolka Shabeele ee DDS, waxay dadku ka cabanayaan in lagala wareegay beero ay tabcadeen qoysas ku nool degmada Elele ee gobolkaas, iyadoo talabadaa uu maamulka gobolka u sababeeyay, ka hortagga isku dhac beeleed sida BBC-da la wadaagay Abwaan maxamed Xasan.

Haddaba si aan jawaab ugu helno dhamaan cabashooyinkan, ayaa waxaan isku deynay inaan la xirriirno hogaanka nabad gelyada DDS iyo yo guddoomiyeyeesha goboladaas ay cabashadu ka soo yeertay, balse nooma suurta gelin.