1 min read

Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Al-Shabaab Hoobiyaha ku soo weerarta Muqdisho.

Ciidanka Amaanka gaar ahaan ciidamada howlgalka Ciiltire oo ka kooban Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Ciidanka Booliska ee sida Xoogga Dalka u tababaran oo iskaashanaya ayaa waday howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka Caasimadda iyo Nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee maalmaha Ciida iyo toddonbaadka xorriyadda.

Kooxda khawaarijta oo doonayey inay dhibaateeyaan ummadda Soomaaliyeed sidoo kalena qalqal galiyaan xasiloonida iyo amniga Caasimadda ayaa dhawr hoobiye ka soo tuuray Deegaanka Garasbaaley, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Fooriloow abaare saacaddu marka ay ahayd 11:30 AM. Kuwaas oo ku dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laakiin aan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada ammaanka oo aad u feejignaa ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyaha, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhowr xabo oo Baalooto hoobiye ah, mobayladii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay oo saldhig u ahaa kooxda khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday illaa inta la helayo Khawaarijtii shacabka dhibaataynaysay. Waxaana hadda ku sugan Ciidanka Amaanka oo baaris arrinta la xariirta ka wada goobta.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay gurigii laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo ciidamadu ay la wareegeen ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii falkan ka dambeysay balse ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gurigan oo saldhig u ahaa, waxaana uu soo bandhigay oo uu warbaahinta la wadaagay hoobiyeyaal iyo agab kale oo kooxdu ay ka carareen.