1 min read
Duqa Muqdisho oo faray howl-wadeenada gobolka inay ka fogaadaan musuq maasuqa.
Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa faray Aggaasinka kala duwan iyo howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan falkaste oo musuq la xariiro.