Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Khasaaraha Dagaalkii laascaanood ka dhacay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya Illaa 4 qof ay geeriyoodeen ayaa tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.
Dagaalka ayaa ka dhacay Aaga bariga iyo waqoooyiga kaga aaddan magaalada, kaas oo bilaabmay Aroortii hore ee saakay.
Dagaalka ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu u dhexeyay Ciidamada Soomaalilnd iyo kuwa degaank ee SSC- Khaatumo Waxaana Bar bar socday duqayn
Ciidamada Soomaaliland ayaa Madaafiic ku duqeeyay xaafadaha Magaalada Laascaanood waxaana ka dhashay khasaare kala duwan sida ay xaqijiyeen saraakiisha Ciidamada SSC Khaatumo oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .
Goobha la duqeeyay waxaa ka mid ah Dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, Xarumo kale oo isbitaalkaLaascaanood iyo Xarun kayd u ah shirkad iibisa Gaaska iyo guryo Dad shacab ah ay degan yihiin.
Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland in ay weerarku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen.