1 min read

Cidamada Wagner ee ku hanjabay afgambiga oo ku wajahan caasimada Ruushka.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay waxaan xog sirdoon ka helnay Wasaaradda Difaaca UK. Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamada Wagner ” ay ku sii socdaan waqooyiga Ruushka iyagoo sii maraya gobolka Vorenezh, waxayna rabaan inay tagaan Casimada Ruushka ee Moscow”.

Magaalada Vorenezh waxay kutaalla kala bar inta u dhaxeyso caasimadda Moscow iyo magaalada Rostov-on-Don, magaalada Ruushka katrirsan ee kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay sheegato inay hadda maamusho.

Arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay “caqabadda ugu weyn ee xukumada Moscow la soo daristo waayadan dambe”.