1 min read

Nasashada Jimcaha. Q-362=Madaxda waxaa laga rabaa in ay dareemaan Xanuunka Dadka kale=.

1. Paulo Coelho, ayaa yiri: khaladka lagu soo celiyo hal mar ka badan, waa ku tala gal. ( F.S:1aad)

( Haddii Siyaasi uu ku noqdo, khaldkii uu shalay galay, waa ku talagal)

2. William Shakespeare, ayaa yiri: Ninkii Guursado Afar Xaas waxaa uu mudanyahay ixtiraamo iyo in la qadariyo, sababta oo ah waxa uu badbaadiyay Saddax Rag ah. ( F.S:2aad)

( In kasta oo uu Gaal yahay, waxa ka soo fakatay in 4 Xaas la aroosi karo, Laakin waxa uu noo qarinayaa Haweenku waa dhib laga badbaadinayo Ragga.)

3. Immanuel kant, ayaa yiri: Haddii Runtu ay dhibee, iska dhaaf ha dhintaanee. ( F.S: 3aad)

( waa jiraan Dad badan oo dhibsanayo Qoraaladeeyda, iska dhaaf ha ceeytamaanee)

4. Leo Tolstoy, ayaa yiri: Haddii aad Dareento xanuunka naftaada, waad Nooshahay, Haddii aad dareentu Dadka kale xanuunkiisa waxaad tahay ama muujisay Beni aadannimo. (F.S:4aad)

( Madaxda waxaa laga rabaa in ay dareemaan Xanuunka Dadka kale)

5. William Butler, ayaa yiri: Qofku wixii uuna fahamsaneeyn waa ka cabsadaa, wixii uu ka cabsadana waa burburiyaa. (F.S:5aad)

( Dadka haddaan la fahamssin, Dowladnimada, waa ka cabsadaan, hadeey ka cabsadaana waa burburiyaan Dowladda)

6. Xarunta Aqoonta Maxamed Cawaaqa, ayaa qurtay: ummadda aan Akhrin Taariikhdeedii shalay, ma hagaajiso Mustaqabalkeed, waxaa nagu waajib ah in aan mustaqbalkeena ku dhisno, Raadkii Taariikhdeenii hore. Ummadeena Islaamku waxaan leenahay Taariikh sharaf leh oo aynan leheyn ummadaha kale. (F.S:6aad)

( Gaaladu yeeynan kuu Xumeeyn Taariikhdii wanaagsaneed ee Islaamka, Hanna ka qaadan hadeey ay kuu sumacad xumeeyaan Taariikhda islaamka, Adigu bar iyaga Taariikhdaada qaaliga ah).

Qore: Yahya Amir