1 min read

Ganacsato geeriyootay xilli ay u dalxiis tegayeen hadhaaga ‘Markabkii Titanic’ oo badda gunteeda yaalla.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka ayaa Khamiistii sheegay inay dhinteen dhammaan shantii qof ee saarnaa, gujis yar oo badda quusa, kaas oo illaa haatan aan la ogayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, xilli uu marayey meel u dhow hadhaaga markabkii caanka ahaa ee Titanic, oo yaalla gunta hoose ee badda.

8

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka oo shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay inay geeridan ku wargeliyeen ehelada rakaabka saarnaa gujiskaasi, kaas oo la baadigoobayey maalmihii la soo dhaafay.

Shirkadda iska lahayd gujiskan yar oo lagu magcaabo OceanGate, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in gujiska ay saarnaayeen illaa shan qof, oo uu ku jiro maamule shirkadeed oo lagu magcaabo Stockton Rush, taas oo loo badinayo inay dhinteen dhammaantood.

Shirkadda OceanGate, wax faahfaahina oo intaas ka badan may bixinin, gaar ahaan, sida ay ku ogaadeen inay dhinteen dhammaan dadkii saarnaa gujiskan yar ee badda hoosteeda quusa. Gujiskan yar oo lagu magcaabo Titan, ayaa lahaa, kayd Oxygen oo la isticmaali karo illaa 96 saacadood, taas oo ku ekayd, subaxnimadii hore ee Khamiistii.

Shirkaddan ayaa caan ku ah inay dadka xiisaynaya, dalxiis ahaan ugu dirto, inay soo arkaan hadhaagii, markabkii caanka ahaa ee Titanic, kaas oo yaalla badda hoosteeda. Safarkan ayaa ah, mid aad u halis badan, maadaama la quusayo, badda wakhti aad u dheer.

AP