2 mins read

Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP oo caalamka u dirtay baaq ku saabsan Soomaaliya.

Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Khamiistii ugu baaqday beesha caalamka inay caawimaad u diraan Soomaalida “dhibaatada iyo gaajada” ay hayso, xilli cunto yarida ay kusii baaheyso dalka.

In ka badan 6.6 milyan oo qof, ama saddex meelood laba meel shacabka, ayaa la filayaa inay wajahaan xasarad cunto ama heerar gaajo oo kasii daran sanadkan, ayey Cindy McCain u sheegtay Golaha Ammaanka ee QM.

“Waxaan tegay Soomaaliya bishii tagtay, waxaana soo arkay sida dagaalka iyo isbeddelka cimilada ay isaga kaashanayaan burburinta nolosha malaayiin Soomaali ah,” ayey tiri.

“Waan argagaxay oo ka qalbi jabay waxa aan soo arkay — rabashado, cabsi, iyo gaajo daran ayaa xaqiiqda nolosha ka ah halkaas.”

Soomaaliya oo abaar daran ay ka jirtay tan iyo 2020, ayaa 2022 ka badbaaday macluul “sababtoo ah beesha caalamka ayaa aragtay digniinaha una carartay inay ka jawaabto,” ayey tiri McCain.

“Hase yeeshee waxaan hadda halis ugu jirnaa inaan lumino horumarkii la sameeyey tan iyo maalmihii madoobaa ee sanadkii tegay,” ayey ka digtay.

Tirooyinka halista ah waxaa ka mid ah 40,000 oo qof oo hadda ku sugan “xaalado macluul oo kale ah” iyo 1.8 milyan oo caruur ah oo la filayo in sanadkan ay wajahaan nafaqo darro.

Tan iyo billowgii sanadkii tegay, dagaallada ayaa uga sii daray barakac ka dhashay baahi lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

“Guuritaanka joogtada ah ayaa dad badan ka dhigay kuwa sabool ah, gaajeysan oo argagaxsan,” ayey tiri McCain.

Waxay sheegtay in ayada oo taas ay jirto, haddana ay WFP ay dhintay gargaarkii ayada oo kaliya sadded milyan ay bishii April heleen gargaar cunto, taasi oo ka yar shan milyan oo helay bishii December.

Haddii aan la helin maal-gelin dheeraad ah, tiradaas waa ay sii yaraan doontaa oo waxay noqon doontaa laba milyan bisha July.

QM ayaa codsatay $2.6 bilyan oo gargaar ah oo loogu talo-galay Soomaaliya 2023, hase yeeshee kaliya 30 boqolkiiba qorshahaas ayaa la maal-geliyey.

AFP