1 min read

Al-Shabaab oo faah faahin ka bixisay qorshahooda ay ku beegsanaayeen weerarkii Baardheere.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo socdaal ku jooga dalka Mareykanka, ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in cunna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qorshaha la wareegidda amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook, ee madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo la kulmay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin, uu ka dalbaday in Mareykanku Soomaaliya ku gacan siiyo xusul duubka ay ugu jirto sidii looga qaadi lahaa cunna qabateynta hubka ee dalka saaran.

Madaxwyne Xasan ayaa rajo ka muujiyay in dowladda Mareykanku ay Soomaaliya ku garab istaagto olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey ee arrintaan hubka la xiriira.

Xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa isana kulanka ka sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay sidii Soomaaliya ay uga gacan siin lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab