1 min read

Sare u kac ku yimid dhimashada iyo dhaawacyada uu sababay dagaalka Garowe.

Dhakhaatiirta isbitaallada qaar ayaa sheegay in ugu yaraan lix iyo labaatan qof ay ku dhinteen dagaal culus oo ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Tirade dhaawacyada ee gelinkii hore lasoo tebiyay ayaa ku dhaweyd 30 qof iyadoo la rumeysanayahy in intaa ay ka badan karto.

Iyadoo dagaalku uu qaboobay gelinkii dambe ee maanta ayaa weli waxaa muuqataa cabsi laga qabo in dagaalku markale uu qarxo.

Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe.

Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in abaabulka iyo isku dubaridka howshaan ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Puntlnad.