1 min read

Boqor Burhaan oo ka hadlay dagaalka Garoowe iyo khasaaraha ka dhashay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Puntland iyadoo tirada dhimashada ee ilaa haatan la soo tebiyay ayaa gaareysa illaa 13 ruux halka dhaawacduna la sheegayo in ay gaaran ilaa dhowr iyo labaatan ruux.

Hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayo ayaa sidoo kale qasaare hantiyeed gaarsiiyay goobo ganacsi oo ka ag dhawaa aagga uu dagaalku ka dhacay.

Madaxda sare ee Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka dhacay balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay ka hadlaan isku dhacyada ka dhacay Garowe.

Sidoo kale waxa jira baaqyo kala duwan oo ay dirayaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland ee ku aadan in dagaalka la joojiyo xalna laga gaaro waxyaabaha la’isku hayo.

Meelaha qaar magaalada Garowe ayaa haatan laga maqlayaa rasaas teel teel ah waxaase xusid mudan in dagaalku uusan u socon sidii saaka.

Dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay dagaalka ayaa waxa dhacaya ku tilmaamay wax laga xumaado isagoo ku baaqay in xal waara laga qaaro waxyaabaha khilaafku uu ka taaganyahay.