1 min read

Visaha Afrika: Kenya oo ku dhawaaqday in Visa aan laga rabin Qurba joog kasta (Diaspora-ha) Madowga ah.

Kenya oo ku dhawaaqday in Visa aan laga rabin Qurba joog kasta ( diaspora-ha) Madowga ah, oo Asalkiisu African yahay.


Kenya waxa laga helay, Lafihii Beni aadamka ee ugu Da’da weynaa Aduunka. Madaxweynaha kenya ayaa yiri: Kenya waa hooygii Dadka beni aadamka ah, Qofka Madaw waa sida qof dalkiisa ku soo noqonaa, Qof Dalkiisa Hooyo ku soo noqonayana Visa lagama rabo.

Waxaa laga yaabaa in kenya Dalxiisayaashii oo ku yaraaday ay soo jiido is leedahay. Waxaa laga yaabaa in ay cashar siinee wadamada Reer Galbeedka oo Dadka Africanka ah ku dhibo Visaha in la siinayo, iyada oo kuwa madoow oo ay isla passport isku Dal ah ay heystaana aan lagu rabin visaha laakin kuwa cad cad laga rabo.

Waxaa hore wadamada Afrikaanku ay sida yurub kale gaareen heshiis ah in Qofkii heysto passport Afrikaan ah uu Dal kasta oo Afrikaan ah uu Visa La’aan gali karo. Heshiiskaa waxaa ilaa hadda filiyay Saddax Dal oo Ruwnda ay ka mid tahay, oo aan Africanka Visa laga rabin.

Ruwanda ayaa igala roon kenya oo tiri: Qof kasta oo heysta Passport Dal African ah in aan Visa laga rabin hadduu Ruwanda tagayo, laakin qof kasta oo heeysto Passport aan aheyn Africana waa laga rabaa Visa.

Si kastaba Haddii Arintaan ay sii socoto, waxaa laga yaabaa in Cadaanku ay is madoobeeyaan, halka Africanku ay hadda jirkooda cadeeyaan. Laga yaabee in Wadama Badan Madaxweynayaashoodu ay is Madoobeeyaan, ka waran haddii aad aragto Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin oo Madow ah. (F.S:1aad)

Adigu sideed u aragtaa siyaasadda Cusub ee Visaha Africa.

Qore: Yahya Amir