1 min read

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku nafwaayay dagaalka Garoowe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la  tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.