1 min read

RW Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Barre, ayaa xalay u ambabaxay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliya gudashada Xajka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.