1 min read

Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda Garoowe.

Muqdisho: Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas raaciyay

“Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.”

Waxaa ku saxiixnaa bayaankan; Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.