1 min read

Xiisad saakay ka taagan magaalada Garoowe.

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Xiisad ay ka Taagan tahay  ka dib markii dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka bilaabantay Halkaas.

Ciidamada Madaxtoyada iyo PMPf ayaa xalay Saqdii dhexe bilaabay in ay xiraan wadooyinka Muhiimka ee magalada sida wadada Madaxtooyada , Wasaaradaha ,laamiga Wadnaha iyo Nawaaxyiga xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, intaas ka dib Ciidanka Dana bee Puntlaand  ayaa magaalada Garowe  gudaha u soo galay oo degay  goobo kala duwan oo ka tirsaan Magaalada Garowe.

Hase ‘ahaatee ‘ Xiisadan ka Taagan Magaalada Garowe ayaa imaaneysa xilli uu furmay Kalfadhiga 52aad ee baarlamaanka Puntland Taas oo laga filan karo in xildhibaanada Golaha Wakiiladaa Puntland ay bilaabaan Dood la xiriirta wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland lagana soo hormariyo waqtigii laa filayay .