2 mins read

Xulka Spain Oo Kaga Guuleysatay dhigiisa Croatia Rigoorayaal Koobka UEFA Nations League. 

Xulka qaranka Spain ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League, waxaanay soo afjareen abaartii koobab la’aanta ee sagaalka sannadood haysatay kaddib markii ay rikoodheyaal kaga badiyeen Croatia oo ay ku socoto nasiib-darro soo taxnayd lix sannadood oo finallada ay marna imanayeen marna ka agdhowaayeen.

Ciyaar socotay 120 daqiiqadood oo goolal la’aan kusoo dhamaatay, ayaa rikoodheyaal loo dhigay  Spain iyo Croatia, waxaana 5-4 ku adkaaday xulka qaranka Spain oo ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2012 oo ay qaadeen Euro 2012.

Spain oo inta badan kubadda maamulaysay ayaa waxay garaacday birta qaybtii hore ee ciyaarta, balse Croatia ayaa laga badbaadiyey fursado badan oo ay ugu mudnayd in uu Nacho Fernandez oo beddel ku yimid ka joojiyey kubadda inay shabaqiisa gaadho.

90kii daqiiqadood ee waqtiga caadiga ahaa oo ay labada xul bandhig heersare ah sameeyeen ayaa kusoo dhamaaday goolal la’aan, waxaana ciyaarta lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah si ay ugu kala baxaan balse sidii hore oo kale ayaanay wax goolal ah kala dhalin.

Rikoodheyaal loo dhigay ayaa waxa tuurashada ku hormaray xulka qaranka Croatia oo uu si qurux badan ugu dhaliyey Vlasic, balse waxa u jawaabay xiddigii Spain usoo saaray finalka ee goolka guusha waqtiga dambe ka dhaliyey Talyaaniga ee Joselu oo ay Real Madrid la saxeexanayso, waxaana uu darbad xooggan ku toogtay badhtamaha goolka.

Waxa ku xigay oo isku jawaabay Brozovic, Rodr, Luka Modric iyo Merino, hase yeeshee waxa Croatia ayaa waxa kubbad ka khasaariyey xiddiga khadka dhexe ee Croatia ee Majer oo uu ka qabtay goolhaye Simon, halka Marco Asensio uu Spain u dhaliyey laadkeeda.

Persic ayaa niyadda usoo celiyey Croatia markii uu dhaliyey kubbad uu dhinaca midig toogtay oo uu meel qaldan isku tuura goolhaye Simon, balse waxa kubbaddu ay birta kaga dhacday Aymeric Laporte oo haddii uu kubaddaas dhalin lahaa ay Spain dabbaal-degi lahayd.

Croatia ayaa farxaday iyadoo u qaadatay inay ciyaarta kusoo laabteen balse Petkovic ayaa haddana kubadda la eegtay dhinaca uu isku tuuray Simon, waana laga qabtay, halka Dani Carvajal uu noqday halyeyga Spain oo uu gool qurux badan guusha ugu go’aamiyey laadkii ugu dambeeyey ee rikoodheyaasha.