1 min read

Daryanka hub culus oo laga maqlay gudaha magaalada Garoowe.

Dhawaaqa hub culus ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Weriyeyaal iyo dad magaalada degan oo la hadlay BBC ayaa ku sheegay in dhawaaqa hub la maqlay uu yahay hub ay tijaabo ahaan u ridayaan ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeda in la furo dastuurka maamulka.

Ciidamadan ayaa ku sugan aagga jidka soddonka ee magaalada. Ciidamadan ayaa la magacbaxay Danab.

Sidoo kale, ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa lagu arkayaa qeybo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, xarumaha dowladda iyo tan baarlamaanka.

Barlamaanka oo fadhigooda caadiga ah furmay toddobaadkii hore ayaa maanta shir ku leh xaruntooda.