1 min read

Museveni oo sheegay in Ciidanka Uganda ee ka Hawlgala Soomaaliya loo iibinayo Diyaarado Drones. -ah

Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa sheegay in uu qorsheeynaayo sidii Ciidamada Uganda ee ku  sugan  soo soomaaliya uu ugu iibin lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka haddii aysan taageero ka heli karin la-hawlgalayaasheeda.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay inay taageero xagga hawada ah ka rabeen Turkiga iyo Maraykanka, balse aanay waligood ka helin taageeradaas.

Madaxweyne Museveni wuxuu ku eedeeyay ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Warkaan ayuu madaxweynha Uganda ka sheegay kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS’ Kulankaas oo Museveni uu dhaleecayn ugu jeediyay Wadamada Soomaaliya ka taageera weerarada dhinaca circa ah.

Uganda ayaa 54 askari looga dilay weerarkii  dhammaadkia bishii may  ka dhacay saldhigga Buulo Mareer.