26 Apr, 2024
1 min read

Agaasime Muxyadiin Jurus oo baxsaday markii uu ogaaday in la xirayo.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu Tuulada Guulane oo hoos tagta degmada Aaden-yabaal uu gaaray Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus.

Wararku  waxay sheegayaan Agaasime Muxyadiin Jurus inuu ka baxsaday xalay xilli danbe, kadib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu xiri lahaa.

Muxyadiin Jurrus ayaa la sheegay inuu Tuulada Guulane oo uu kasoo jeedo ku abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Agaasimahan uu gaaray degaanka uu kasoo jeedo, waana m,as’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda Federaalka.

Xariga Agaasimahan sare ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka mida olole baaritaan oo ay waday Xeer ilaalinta dowladda oo ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira Hay’adaha dowladda oo ilaa hadda oo xiray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.