1 min read

Taliyahii Ciidanka xoogga dalka Gen.Odowaa oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ee galabnimada isniinta dhacay waxay ku ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Sida ay sheegtay warbaahnta dawladda, kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.