1 min read

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo wada ciribtirka Musuq-maasuqa.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo hay’adaha kale ee dhawra hufnaanta Dowaladda Federaalka Soomaaliya,waxay ku hawlan yihiin la dagaallanka musuqa, sida wax-is-dabamarinta, xatooyada xoolaha dad- weynaha, ku tumashada iyo u hoggaansanaan la’aanta shar- ciga, si xun u adeegsiga awoodda iyo lunsashada dakhliga Dawladda.

Baaritaanada aan ku hayno hay’adaha Dawladda qaarkood ee ka dhasha Warbixinnada iyo baaritaanada maaliyadeed iyo dadka u xiran eedaha la xariira musuqa, dayaca mas’uuli- yadda iyo ku xad-gudubka dakhliga Dowladda dhammaan waa dadaallo ku wajahan taabbagalinta hufnaanta hay’ada- ha Dawladda iyo hirgelinta shuruucda dalka.

Waajibaadka u hoggaansamidda xeerarka gaar ahaan kuwa lidka ku ah musuqa ma saarna kaliya hay’adaha Dawladda, Saraakiisha iyo shaqaalaha waxaa kaloo dowr muhiim ah ku leh ururada bulshada iyo shacabka guud ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo hay’adaha hufnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay markaa dadweynaha Soomaaliyeed ka filayaan garab-istaag iyo taageero kuwajahan ka hortagga musuqa.