2 mins read

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya 

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada, ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

Kulanka ayaa loogo hadlay arrimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabagabo ah, xasilinta deegaanada laga xorreeyay khawaarijta iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaalaysan masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada adduunka.

Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska Madasha Wadatashiga Qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorasho dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay soo dhawaynta diiran oo ay kala kulan tay Dowladda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubbaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarada ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa u mahadceliyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimadeen Jubbaland,isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaanada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah si loo gaarsiiyo dadka halkaasi ku nool.

Ugu dambayntii Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubbaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed ah lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowladda Jubbaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay.