1 min read

Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin ka mid ah maamulkiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda aawgeed ugu qaaday xilkii ay u hayeen shacabka Puntland.

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: labadaan mas’uuliyiin oo ka tirsanaa maamulka Dowladda Puntland.

1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.

2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dadaal xooggan ku bixinaya sidii loo ciribtiri lahaa Musuq-maasuqa.