1 min read

41-kun ardey oo u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland.

Arday gaaraysa kow iyo afartan kun (41,000) oo ardey oo reer Somaliland ah ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Shan iyo labaatan kun (25,000) oo ardey waxay u fariisteen imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe, halka lix iyo toban kun (16,000) oo ardey u fariisteen imtixaanka fasalka ugu dambeeya dugsiga sare.

Sedex boqol oo goobood oo Somaliland ah ayaa imtixaanka lagu galayaa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa nuqulkii ugu horreeyay ee imtixaanka ka qaybiyay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa.