1 min read

5-Gabdhoood oo Soomaali ah oo shil gaari ku dhintay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka

Sida ay xaqiijiyeen waaxda booliska ee Minneapolis shan gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka.

War qoraal ah oo ay soo saareen booliska Boiolisku wax ay sheegeen in booliska Minneapolis ay jawaabeen caawinaad ay weeydiisteen waaxda Roondada gobolka Minnesota.

Ciidanka Ilaalada Gobolka Minnesota ee fadhigoodu yahay is-goysyada 35 ee woqooyi ee u dhow waddada 46aad ayaa arkay baabuur si xowli ah ku socda. Kahor intaan la isku dayin in la joojiyo gaarigga ayaa isla markiiba ka baxay wadada weyn. Gaarigdu waxa uu ka dib kasii gudbay nal cas oo ku yaala isgooyska Lake st. iyo wadadda 2aad. wuxuuna ku dhacay gaari kale oo ay saarnaayeen afar dumar ah oo qaangaar ah iyo hal gabar oo aan qaan gaarin. Nin ayaa gaariga ka baxay oo goobta ka baxsaday.

Gabdhaha ayaa suuqa Karmel ee magaalaada Minneapolis kasoo adeegtay ka hor inta aanu gaariga xowligga u socdaahi ku dhicin, Wararku wax ay sheegayaan in sedex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys. Gabdhaha ayaa iksu diyaarinayey munaasabadda qalinjabintooda.